Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wasiirka mar Imaamka ka ahaa masjid ku yaalla Sacuudiga oo ka hadlay...

Wasiirka mar Imaamka ka ahaa masjid ku yaalla Sacuudiga oo ka hadlay sababta uu ugu biiray TikTok iyo muusigga uu isticmaalo.

0

Waxaa maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada laga hadal-haayay wasiirka warfaafinta Koonfur-galbeed Ilyaas Cali Nuur Cali, oo muuqaallo lagu lagu daray muusig ku baahiyay bartiisa TikTok. Wasiirka oo bartaas ku biiray maalmo ka hor ayaa muddo kooban ku helay dad badan oo bartiisa ku xiran.

Ilyaas ayaa BBC-da u sheegay in ka hor inta uusan noqon wasiir uu meelo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo London ka soo noqday macallin iyo Imaam.

Sababta ku kaliftay inuu ku biiro TikTok

Wasiir Ilyaas oo wareysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ku kalliftay inuu ku biiro barta TikTok ay tahay in dhallinyarada oo halkaas ku badan uu ku soo jiito.

“Baraha bulshada marba dhinac ayaa loo guuraa, waxaan arkay in dhallinyaradii ay u guureen TikTok, sidaa darteed aniga waxaan mar walba jeclahay in dhallinyarada aan soo jiito. Dhallinyaradii Facebook ayaan ka waayay, waxaana ogaaday inay Tiktok u guureen kaddib anigana waan ka daba guuray,” ayuu yiri.

Muxuu ka yiri muusigga uu ku laro muuqaalladiisa ee hadal-haynta dhaliyay?

“Annagga haddaan Soomaali nahay aragti dheer ma lihin. Aragtida Soomaalida aad ayay u gaaban tahay, muusigga haddii la yiraahdana maanta boqolkiiba 99 wey dhageystaan, meel walbo aad martana waad maqleysaa. Marka muusigga dad badan oo ay dhallinyaradu u badan tahay ayaa isticmaala, aniga marka aragtideyda way ka duwan tahay. Waxaan fiiriyaa dhallinyarada wax maanta lagu mashquulin karo,” ayuu yiri Ilyaas.

“Markii aan dalka dib ugu soo laabtay oo aan arkay in dalka dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin qabyaaladda iyo xagjirnimada ay aad ugu faafayaan, dhallinyaradana ay u jilicsan yihiin ayaan ogaaday si taas looga hortago in dhallinyarada ay jecel yihiin waxyaabaha muusigga iyo lagu daro. Marka aniga waxaan ka firiyaaa waxyaabaha ay dhallinyaradu jecel yihiin oo lagu kasban karo, si looga hortago inay ku biiraan ururrada argagixisada.”

Ka hor inta uusan wasiir noqon kumuu ahaa Ilyaas Cali Nuur Cali?

“Waxaan horay u ahaa macallin dugsi, xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho ayaan si fiican Quraanka ugu bartay, waxaana macallin dugsi ka noqday xaafadda Hodan. Waxaan sidoo kale salaadda taraawiihda ka tujin jiray masaajidka Muusa Boqor, kaddib waxa aan sii aaday Suucuudiga oo aan Imaam Maasijid ka ahaa,” ayuu yiri.

Wasiir Ilyaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay kaddib muddo shan sano ah oo uu joogay Sucuudiga inuu u wareegay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, halkaas oo uu haddana ka billaabay dugsi Quraan ay arday badan ka aflaxeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu barnaamijyo diini ah ka tebin jiray telefishinka Universal.

“Bulshada waxyaalo badan ayaan u soo qabtay intaan joogay London, taariikhdaydana waa nin mar walba ka shaqaynaya horumarka, masaajida ayaan ka dhisnay London ilaa hadda masaajid aan ka furnay ayaa weli ka furan.”

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Kulan la Qaatay wafdi ay hogaaminayso safiirka Midowga Yurub (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Pentagon-ka lagu soo dhoweynayo maanta Xili uu Maraykanka Tagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here