Home Wararka Maanta P.M Xamze Oo Ka Hadlay Sida Uu Noqonayo Xiriirka Soomaaliya Iyo Qatar...

P.M Xamze Oo Ka Hadlay Sida Uu Noqonayo Xiriirka Soomaaliya Iyo Qatar Kadib Isbedelkii 15ka May.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka la bedelay ee Qadar Xasan Bin Xamsa Hashim.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoogeyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

Safiirka oo dhowaan uu beddeli doono Safiirka cusub ee Qadar ay u soo magacawday Soomaaliya, ayaa waxa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo
xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda
cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ad
Previous articleDhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay
Next articleCiidamadii Alshabaab Kasaaray Deegaanka Qaayib oo minooyin Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here