Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Deg Deg: Koonfurgalbeed oo Toogatay ninkii Dilay ganacsato Aamino Malaaq Muqtaar (Sawiro)

Deg Deg: Koonfurgalbeed oo Toogatay ninkii Dilay ganacsato Aamino Malaaq Muqtaar (Sawiro)

0

Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta toogasho ah ku fuliyey Maxamed Xasan Maxamed oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Aamino Malaaq Muqtaar oo maalmo kahor si arxan darro ah loogu dilay Baydhabo.

Eedeysanaha oo saaka la horgeeyey Maxkamadda gobolka Baay ayaa waxaa lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta marxuumad Aamino Malaaq Muqtaar.

Dadweyne kala duwan, saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ayaa isugu tegay fagaaraha lagu dilay Marxuum Maxamed Goomey.

Ninka dilka geystay ayaa Marxuumad Aamino waxay ku laheyd deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheyd.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamino ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Baydhabo, waxaana baaritaan deg deg ah, kadib Koonfur Galbeed ay xukun dil toogasho kasoo saartay falkaas, kaas oo maanta la fuliyey.
Ad
Previous articleMeydka Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo Shan Maalin kadib laga Helay Wabi Dhexdiis
Next articleKulan xasaasi ah oo looga hadlay amniga oo Muqdisho ka dhacay {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here