Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay aflagaadadii loo geystay nabi Muxammad NNKh

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay aflagaadadii loo geystay nabi Muxammad NNKh

0

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka SoomaaliyaSh. Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney aqbalaynin xadgudubyo ka dhan ah diinta Islaamka iyo nabi Muxummad NNKH.

Wuxuu intaa raaciyey inaaney ku filneyn iney jagada ka eryaan dadkii uu ka dhacey qadafka, balse dowladda Soomaaliya ay uga fadhiso in tallaabooyin intaa ka badan ay qaaddo dowladda Hindiya.

Dhanka kale, wasiirka ayaa xusay in wada hadal arrintan la xiriirta iney la leeyihiin dowladda Hindiya, balse aanu ka hor dhaceyn natiijada wada hadalka.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in marka ay jiraan munaasabaddo gaar ah oo khuseeya diinta Islaamka, in ay soo baxaan aflagaadeyn iyo dhibaateyn dad u geysanaya diinta.

Cadhada ka dhalatay hadallo deel qaaf ahaa, oo uu sarkaal ka tirsan xisbiga haya talada Hindiya u jeedisay Nebiga NNKH, ayaa dhaliyey cadaadis iyo fal celin baahsan, oo ka imanaysa wadamada Islaamka ee Bariga dhexe.

Sidoo kale, dalal kalani dhaca Bariga Dhexe, ayaa u yeeray ergayga New Delhi u qaabbilsanaa dalalkooda, iyagoo ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ka dalbaday raalli gelin buuxda.

Ad
Previous articleMuxuu hadal hayn u dhaliyay arooska Boqoradda Style-ka iyo Haykal?
Next articleMadaafiic Xalay Saqdhexe lagu Garaacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Xoogan oo dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here