Home jubaland Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Kismaayo...

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Kismaayo ee jubbaland (Sawiro)

0

Waxaa maanta si wayn Magaalada Kismaayo Xaruunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubballand loogu Soo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdigiisa uu Hogaaminayo.

Soo dhowaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Sayid Axmed Madoobe, Madaxwayne ku-xigeenka Max’ud Sayid , Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Dowlad Goboleedkaas Sheekh Cabdi , Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane iyo Mas’uuliyiin kaloo badan.

Safarkaan Gudoomiyaha Xisbiga UPD ayaa Ku Soo beegmaaya xili Saakay Xisbiga uu ka gudoomey Gudigga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Shahaadadii Aqoonsiga Buuga ee Xisbinimada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here