Home wararka Dalka Dowlada Soomaaliya oo 14 October u aqoonsatay Maalin Qaran {Akhriso}

Dowlada Soomaaliya oo 14 October u aqoonsatay Maalin Qaran {Akhriso}

0
SHARE

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14 October EE sanadkii Hore 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Xunbaha golaha wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas ,la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, iyo kuwii ku hanti beelay intaba.
Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sisoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here