Home galmudug Dhageyso Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo ka jawaabay mooshinka laga gudbiyay..

Dhageyso Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo ka jawaabay mooshinka laga gudbiyay..

0
SHARE

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa kahor yimid Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu sheegay in aan Xildhibaano aheyn Dadka ka gudbiyay Mooshinka, Maadaama aan aqoonsaneen kamid ahaanshiyaha Xildhibaanada iyo Habkii ay kusoo galeen sida uu hadalka u dhigay

Cali Gacal ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay waday Waanwaan gabo-gabo mareysay oo lagu xalinayay Labada garab ay u qaybsameen Madaxda Galmudug, hayeshee waxa uu tilmaamay in ay burburiyeen dad uu ku sheegay in aan sharci ku imaan.

Gudoomiye Gacal ayaa sheegay in aan Sharci aheyn in isaga oo Dalka ku sugan Kulanka Baarlamaanka uu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa, waxa uuna ku tilmaamay foodo iyo dhibaato loo horseedayo Dadka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Cali Gacal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here