Home Wararka Maanta Cod sir ah oo laga Duubay sababna u noqday in Dalka laga...

Cod sir ah oo laga Duubay sababna u noqday in Dalka laga Cayriyo Faransisco Madera

0

Ra’issul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku amray in 48-saacadood gudahood dalka uga baxo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo lagu eedeeyay xadgudub siyaasadeed iyo arrimo kale.

Francisco Madeira oo siyaasad ahaan si weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa laga duubay cod qarsoodi ah uu ku weerarayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaashii hore ee dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ayaana codka laga duubay si anshaxa siyaasada ka baxcsan ugu gefeyaa Ra’isul Wasaare Rooble , waxa uu sidoo kale eedeyn culus u jeediyay Madaxda maamulada Puntland iyoi Jubbaland oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Farmaajo.

Arrinta ugu daran uu ka hadlay Madeira ayaa ah dilkii Xildhibaanad Aamina Maxamed uu ku tilmaamayo Qarax maalin kasta iska dhaca oo caadi ah, waxa uuna meesha ka saaray in dilkaasi siyaasad ka dambeeso.

Waxa uu sidoo kale baroor diiqda iyo tiiraanyada ka timid geerida Xildhibaan Aamina ku sheegayaa mid awr-kacsi ah oo Madaxweynayaashi hore iyo mucaaradka ay ku doonayaan in Farmaajo fursadihiisa dib u doorashada ku yareeyaan.

Hadalka kasaoo yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka baxsan diblumaasiyada, waxa uuna u muuqday nin u ololeenaya oo beesha caalamka ka difaacaya Madaxweyne Farmaajo.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal ku dilay Cabdin Xasan Deyr
Next articleHalkaan Ka akhriso Codka laga Duubay Madera oo ku Turjuman Af-Soomaali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here