Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ka dib is...

Madaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ka dib is casilaadii Fiqi

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen
• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Golahu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Golahu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Golahu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Ad
Previous articleYaa badali doona Wasiirkii Amniga Galmudug ?
Next articleWaa Maxay sababta ay isku Khilaafeen Axmed Fiqi iyo Axmed Qoor Qoor ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here