Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo sheegay go’an ay ka qaateen Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay go’an ay ka qaateen Kooxda Shabaab

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo xiray kulan ballaaran ay iskugu yimaadeen siyaasiyiinta, culimada, dhaqanka iyo haweenka beelaha ka soo jeeda Galmudug, kaas oo maanta ka dhacay Aqalka madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dhiirogalinta shacabka  iyo dardar galinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee looga sifeenayo deegaanada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay dardar galinta  howlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo  dhiirogalinta shacabka u istaagay iska dhicinta argagixisada.

Qoorqoor ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug iyo shacakiisa oo isku duuban ay gaareen go’aan sheegaya in ey ka qeyb qaataan howlgalada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab, laga sifeeyo degaanada ay ka joogaan Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan,

“Sidaan la wada socono Galmudug waa meeshii ugu horeysay ee shabaab lagala diriro Somalia, 2009 bey aheyd markii lagula dagaalamay caasimada Galmudug, Dhuusamareen Guriceel iyo meelo kale, iyadoo xitaa soomaalidu aysa afka ka cambaareynin, ILAAHAY fadligiis waa lagu jebiyey, inkastoo reer Galmudug aysan dagaalkaas ku wada jirin’ ayuu yiri QoorQoor.

Waxa uu intaas ku daray in maanta ay jirto fursad tii hore ka weyn oo Soomaalidu u dhan tahay, loona baahan baahan yahay in laga faaiideysto, reer galmudugna ka qaataan kaalinta kaga aadan.

“Argagaxisadu waxay muddo ka badan 15 sano ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, xasuuq aan kala sooc laheyn, duleysi, dhac iyo boob ay u geysanayeen hantidooda, hanjabaad iyo cabsi gelin joogto ah, waxay joogaan marxaladii ay ugu liiteen,  shacabka Soomaaliyeed waa kaan ka qeyb qaadanaa dhameystirkooda” ayuu intaas ku daray QoorQoor oo intaas ku daray in galmudug ay noqon doonto dowlad goboleedka ugu horeeya ee iska xoreeya Al-shabaab.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Hawada ka Qabtay Labo Diyaaradood oo Ruushka ah Meel dhow Alaska
Next articleNorway oo Xukun Xabsi ku riday Nin gubi jiray Quraanka Kariim-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here