Home ciyaaraha maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Sawiro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Sawiro)

1
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada Garoonka.

1 COMMENT

  1. Muqdisho Stadium oo hesho dayactirkii ay u baahneyd, loona dayactiro sidii ay ahaan jirtey waaggii hore, waxay suuro gal ka dhigi kartaa in Soomaliyadda cusub noqoto mid Qaaradda Afrika ku Hogaamiso dhinacyo badan oo ay kow ka tahay – Ciyaaraha kubadda Cagta –

    SOOMAALIYA WELIGEED WAY KU FIICNEYD CIYAARAHA NOOCYADOODA KALA DUWAN, DALKUNA WUU LA HAAN JIREY CIYAARYAHANO HEER CAALAMI AH, HADANA DHALINYARO BADAN OO SOOMALI AH AYAA U CIYAARTA DALAL KALE, IYAGOO MATALAAYO DALKAASI, TUSAALE INGRIISKA WAXAA DHANKA ORODKA U CIYAARO WIIL SOOMAALIYEED OO LA YIRAH, SOOMALI OO DHANA AY GARANEYS, WAA MOHAMED FARAH * MO FARAH*, sidaasi iyo si lamid ah, Soomaliya waxay u baahan tahay, una Baahnaandoona iney hesho, Maahan Ciyaartooy oo keliyah, balse Ciyaartooy ay ka go’an tahay ama aan ku qanacsaneyn waxaan ka ahayn kaalinta 1aad.. Soomaliydda cusub waxay u baahan tahay iney xoogeeda isugu geyso iney dhidibadda u taagto, dhexdana u xirato sidii loo heli lahaa Dhalinyarro Heer Caalami ah.. oo u Ciyaara S-O-M-A-L-I-A

    CIYAARYAHANO CIYAARTA CIYAARAHA KALA AH – ORODKA– KUBADDA KOLEYGA- DABAASHA & KUBADDA CAGTA..

    Waa suuro gal in mar kale la helo ama ay Soomaalidda cusub noqoto mid ka duusha ama hogaan fiican u noqoto Qaaradda inteeda kale ( Dalalka Africa iyo kuwa caalamkuba).

    Caasimadda Muqdisho oo heshana wehel-kii ay mar welibo u baahneyd ee Stadium Muqdisho oo casri ah, waxay ka dhigan tahay Muqdisho oo yeelato waji cusub, Weji aan horey looga aqoon ama baran.. Goob ama Caasimadda ku caan ah soo saarista jiil cusub oo la jaan qaada caalamka intiisa kale… Hogaamiyaasha Mustaqbalka dhanka sportska ee Q. Africa – New Athletes, Runner, Int Football players, International swimmers.. iwm.

    Mahad badani ha ka gaarto Xukuumaddaada( Mudane Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo ) iyo Dadaalka aan kala go’a lahayn oo ay ugu jirto… yag-leelidda iyo soo celinta, dib u dhiska iyo Dayactirka goobihii Muhiimka u ahaa Shacab iyo Dalkuba, oo ay kow ka tahay Insha Caasimadda Muqdisho oo ah (Stadium Muqdisho).

    Inta yar oo ay dowladdaadu jirtey is bedelka ka dhacey Dalka waa Wax aan la qarin Karin.. waa (SADAR MUUQDO SU’AAL KA DHAN).. AAD BAADNA UGU MAHADSAN TAHAY SIDA HAGAR LA’AANTA AH OO AY XUKUUMADAADU UGU QIDMEYNEYSO DALKA IYO DADKUBA..

    Mahadsanidiin in-badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here