Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo gacanta Kusoo Dhigay Askari hubeesan oo...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo gacanta Kusoo Dhigay Askari hubeesan oo dhibaato ku hayay Shacabka(Sawiro)

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin hubeesan oo xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya ,kaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dad shacab ah.

Ninkan booliiska xireen oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud ayaa xirnaa dareeska ciidanka milatariga xilliga la qabanayay , waxaana ninkan uu ku hubeesnaa qoray nuuciisa yahay AK-47.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan burcadka ah sharciga la horgeyn doono, waxa ayna shacabka caasimadda ugu baaqeen in ay kusoo wargaliyaan kooxaha burcada ah ay arkaan.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka wada magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada siyaabo kala duwan gacanta ugu dhigeen kooxo burcad hubeesan oo dadka dhibaato ku hayay.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan
Next articleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dowladda Mareykanka (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here