Home wararka Dalka Guddiga golaha Shacabka u Qaabilsan Arimaha Diinta War Culus Ka soo saaray...

Guddiga golaha Shacabka u Qaabilsan Arimaha Diinta War Culus Ka soo saaray Arimaha Xajka.

0
SHARE

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka digey in sanadkan ay xujayda Soomaaliyeed ay awoodi waayeen inay gutaan waajibaadka gudashada Xajka sababo la xiriira shirkadaha  diyaaradaha ee daabula xujayda joogta gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal uu guddigan u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  waxaa ay ku sheegeen in wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay la wareegtay sanadkan arrimaha maamulk xajka.

Guddigan ayaa waxa ay sheegeen in labo shirkadood oo tan iyo burburkii xukuumadi hore ee Siyad Barre maamulaysay arrimaha xajka haatan lagu soo kordhiyay shirkado kale oo aan ruqsad ka heysanboqortoyada Sacudi Carabiya isla markaana haysan  diyaarado tegi kar sacudi Carabiya.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here