Home wararka Dalka Xildhibaano ku baaqay Joojinta dagaalka kasoo Cusboonaaday Deegaanka Matabaan..

Xildhibaano ku baaqay Joojinta dagaalka kasoo Cusboonaaday Deegaanka Matabaan..

0
SHARE

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dhiig badan uu ku daato degmada shacabkana loogu baahan yahay iney xabad joojinta qaataan.

Xildhibaanadaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay ka qeyb qaadanayaan dhex dhexaadinta beelaha dagaalka uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay tagayaan goobaha ay dagaalada ka soo cusboonaaday.

Dhanka kale maamulka gobolka ayaa sheegay in dhex dhexaadin ay ka wadaan dhinacyadii dagaalamayay xabad joojina ay sameeyeen.

Maamulka ayaa xusay in aysan aqbali doonin in dagaalo u dhaxeeya beelaha gobolka uu xilligaan xoogeysto oo uu soo laablaabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here