Home wararka Dalka Alshabaab oo War ka soo Saaray Dagaalka Camaar ka Socda.

Alshabaab oo War ka soo Saaray Dagaalka Camaar ka Socda.

0
SHARE

Xaalada deegaanka Caad Iyo Camaara ayaa haatan degan, waxaana deegaanka labo jeer gacan ku heyntiisa isku bedelay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in gurmad uga yimid dhanka Xarardheere ay ku guuleysatay inay ka saaraan deegaanka maleeshiyaadkii soo weeraray.

Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyo loogu yeeray Murtadiin ay soo wareegeen deegaanka Caad, lagana saaray, waxaa intaa lagu daray in looga dilay illaa 15 maleeshiyo iyo ninkii hoggaaminayay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Goobe Gurey.

Deegaanada Koofurta Mudug oo ay qeybo ka mid ah kaga sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka iyo dagaalamayaasha Shabaab, kaasoo salka ku haya amaro Shabaabka ku soo rogeen oo ah xoolo zakawaad ahaan looga qaado iyo askareynta carruurtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here