Home wararka Dalka Dhageyso Cabdi kariin Qalbi dhagax oo ka hadlay Shaqsiyaadka ka danbeeyay in...

Dhageyso Cabdi kariin Qalbi dhagax oo ka hadlay Shaqsiyaadka ka danbeeyay in Ethiopia loo dhiibo..

0
SHARE

Maalmo kadib Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii laga siidaayey Xabsigii uu ku jiray ayaa waxa uu ka hadlay dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya ay ka qabteen Magalada Gaalkacyo,isla markaana mudo Saddex cisho ah uu ku xirnaa halkaas kadibna ay u soo wareejiyeen Xabsiga Godka Jilacow ee M/Muqdisho.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in sidoo kale mudadii uu ku xirnaa Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lixda Cisho aheyd ay ogaayeen madaxda ugu sareysa dowladda balse ay go’aankii lagu wareejiyey ay lahaayeen,lix maalin kadibna isaga oo Gacmaha iyo indhaha ka xiran loogu duuliyey Itoobiya.

Sigaar ah ayuu sheegay in xarigiisa iyo in Itoobiya lagu wareejiyo uu u lahaa taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe,sidoo kalena ay la ogaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii sirasmi ah loo xaqiijiyey in lagu wareejiyey dowladda Itoobiya,waxaaa ka dhalatay xiisad Siyaasadeed,iyada oo xilligaas oo aheyd Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 Golaha Wasiirada soomaaliya shir ay yeesheen ay ku sheegeen in Qalbi Dhagax uu ka tirsanaa Urur argagaxiso kaas oo lagu Magacaabo ONLF.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in dhawaan uu u duuli doono Magalada Nairobi ee dalka Kenya,sidoo kalena ehelkiisa iyo asxaabtiisa uu booqan doono,safarkiisa xigana uu noqon doono Soomaaliya.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Qalbi dhagax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here