Home wararka Dalka Wafdi ka socda Dowlada Qatar oo ku wajahan Magaalada Hobyo kuwaasi oo..

Wafdi ka socda Dowlada Qatar oo ku wajahan Magaalada Hobyo kuwaasi oo..

0
SHARE

Ilo Wareedyo Lagu Kalsoonaan Kaqo ayaa Warbaahinta Mudug24.com usheegay in Wafdi Heer caalami ah oo ka socda Dawladda Qadar ay kusoo wajahanyihiin Magaalo xeebeedka hobyo gobolka mudug ee galmudug,

socdaalka wafdigaan kasocda qadar ayaa lagu sheegay qiimeynta dhismaha Dekadda hobyo waxaana casumaad ufidiyay madaxda galmudug gaar ahaan madaxweyne axmed ducaale geelle(xaaf) inkasta oo ka hadalka arintan ka gaabsatay madaxtooyada galmudug.

“Magaalada Hobyo waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray wafuud iskugu jirta mas’uuliyiin galmudug ah saraakiil ciidan qurbo joog iyo ganacsato waxaana hobyo laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga kasocda Qadar,

madaxda galmudug xildhibaano,Sanataro iyo wasiiro ka tirsan Dawladda fedaralka soomaaliya oo maalinka Arbacada ah kusoo wajahay Hobyo”Sidaas xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hobyo ee Galmudug.

W/Q/Abdalle Mohamed Abdulle

Mudug24.com Xaafiiska Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here