Home galmudug XOG Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo Dib Loo dhigay

XOG Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo Dib Loo dhigay

0
SHARE

Magaacaabistii lagu waday in uu sameeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaalle Xaaf ayaa dib loo dhigay

Todobaadyadii la soo dhaafay madaxweynaha Galmudug waxa uu waday qaban qaaabadii u dambeysay ee magacaabista Golihiisa Wasiirada, iyo isku shaandheen in La sameeyo

In kastoo uu weli jiro diyaar garowga magacaabistaas ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay,kadib markii codsi uu ka yimid waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.

Weli waxaa taagan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Galmudug kuwaas oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb taas oo keentay dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug.

Warar Hoose oo la heleyo ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu aqbalay codsiga odayaasha iyo siyaasiyiinta,walow weli aysan jirin cid waan waan ka dhex wada madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here