Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Xalay Ku afuray mid ka mid ah Degmooyinka ugu...

Gudoomiye Madaale oo Xalay Ku afuray mid ka mid ah Degmooyinka ugu Amniga Xun Gobalka Banaadir(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda , Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale  ayaa Afur wadareed la qaatay odayaasha iyo culumada waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur wadareedka ayaa ahaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiisha amniga iyo bulshada waaxda Jamhuuriya ka wada-tashadaan xaaladaha amni iyo arrimo bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  oo ka jawaabaya cabashooyinka bulshada, isla markaana tixgelinaya talooyinka ay soo jeediyeen odaaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun magaalada Muqdisho, waxaana degmadaasi si joogta ah dhibaato uga geestay ciyaal weero hubeesan iyo sidoo kale burcad xiran dareeska ciidanka dowladda.

Ad
Previous articleDil argagax lahaa oo ka dhacay Goob uu maanta ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleMeydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad la la’yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here