Home Wararka caalamka Hogaamiye Sare oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo gaaray Dalka Mareykanka..

Hogaamiye Sare oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo gaaray Dalka Mareykanka..

0
SHARE

Ninka gacanta midig u ah Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulan kula qaatay magaalada New York xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Kim Jong-un.

Gen Kim Yong-chol ayaa la casheeyay Pompeo ka dib markii uu diyaarad ka soo raacay dalka Shiinaha, labadoodan ayaana mar kale kulmi doona Khamiista.

Waa masuulkii u sarreeyay ee Maraykanka booqda ku dhawaad muddo 20 sano ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay shirkii lagu waday in uu qabsoomo 12 bisha Juunyo, laakiin labada dhinacba waxay samaynayaan dadaallo hor leh oo ay ku doonayaan in shirkaasi uu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay.

Waxaa la dajiyay in uu ka dhaco Singapore, kulankan tariikhiga ah ayaana noqon doona midkii koobaad ee dhexmaraya madaxweyne xilka Maraykanka haya iyo hogaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here