Home wararka Dalka Dhageyso Wasiir ka tirsan Galmudug oo cadeeyay Cida Maalgalineysa Khilaafka galmudug..

Dhageyso Wasiir ka tirsan Galmudug oo cadeeyay Cida Maalgalineysa Khilaafka galmudug..

0
SHARE

Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada Maamulka Galmudug  Maxamuud Guure Guulled  ayaa sheegay in khilaafka cusub ee soo ifbaxay, ee u dhaxeeya Madaxda maamulkaasi ay ku lug-leedahay dowlada dhaxe  gaar ahaan xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda degaanada galmudug.

Mudane Maxamuud Guure Guulled  Wuxuu ku edeeyay in siyaasiyiinta  danahooda siyaasadeed ka fiirsanaya ay ka dambeeyaan, balse wuxuu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arimaha Galmudug .

Wasiir ku xigeenka hadlkiisa ayaa  kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaaf salka ku hayo hanaanka awood-qeybsi ee maamulka Galmudig, kaasoo sababay inuu labo garab ukala jabo maadaama Labada dhinac ay  kala fadhiyaan  Cadaado iyo Dhuusa-mareeb, garabka Cadaado waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in aysan  aqoonsaneyn xubno Xilldhibaano dhowaan lagu soo biiriyay Baarlamaanka Galmudug oo dhinaca Ahlusuna ka soo galay.

Madaxda isku heysa maamulka Galmudug oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in khilaafkaasi ay maal galineyso dowladda dhaxe ee dalka gaar ahaan xukuumada uu hogaamiyo Raisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay isku heyb yihiin Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kamid ah masuuliyiinta ugu cad cad ee kasoo horjeeda madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug  Maxamed Xaashi Carabeey oo ay bahwadaag  yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kamid ah masuuliyiinta kasoo horjeeda heshiiskii  lagu mideeyay ahlusunna iyo maamulka galmudug ee ka dhacay gudaha dalka Jabuuti.

Dhageyso:- Codka Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada Galmudug.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here