Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada Dowlada oo Dib ula Wareegay Saldhig laba Maalin ka Hor laga...

Ciidamada Dowlada oo Dib ula Wareegay Saldhig laba Maalin ka Hor laga Qabsaday

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Bay oo Axadii toddobaadkaan ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay Mudug24 u xaqiijiyeen dad ku nool deegaankaas ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay gudaha u galay deegaanka, waxayna dib u degeen xeryahoodii ay Axadii soo baneeyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isaga carartay deegaankaas markii ay ka war-heleen in ciidanka xoogga dalka ay ku soo wajahan yihiin oo duulaan ay ku soo yihiin Goofgaduud.

Ciidanka xoogga dalka oo Axadii 23-kii bishaan soo baneeyey deegaankaas, kadib dagaal kooban oo Al-Shabaab ay kula galeen ayaa shalay lagu amray inay u xoreeyaan Goofgaduud-buurey.

Deegaankaan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka.

Wuxuu ka mid yahay deegaanada laga difaaco magaalada Baydhaba, waxayna bulshada reer K/Galbeed dareemaan qalqal xoog leh, markii Goofgaduud ay u gacan-gasho kooxda Al-Shabaab, taas oo sababta in mar kasta ciidan lagu amro inay dib u xoreeyaan deegaankaas.

Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.
Ad
Previous articleNinka Isku Qarxiyay ciidamdii 14ka Octoober oo lahadlay Ciidamada Ka Hor inta Uusan Is Qarxin
Next articleWilliam Ruto oo ugu danbayn aqbalay inuu la kulmo mucaaradka kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here