Home Wararka Somaliya Raisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay Furista Wadada Dabka ee la...

Raisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay Furista Wadada Dabka ee la xiray

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo furo wadada dabka oo xalay hay’adaha Amniga Soomaaliya ay dhagxaan waaweyn ku xireen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Shacabka muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaanshadah wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

“ Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada ayuu yiri” RW Rooble.

Xirnaanshaha wadada Isgoyska dabka ee dhagxaanta waaweyn lagu jaray ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Gaari NOHA ah oo si xowli ah wadadaas uga soo gudbay uu ku qarxay Barta-koontorool eek u taal Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Dhag-xaan lagu xiray Wadada Dabka
Next articleCabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here