Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo Maanta Xamze Hor geenaya Golaha shacabka

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Maanta Xamze Hor geenaya Golaha shacabka

0

Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS ayaa maanta fadhigooda waxa ay ugu codeynayaan Ra’iisul Wasaaraha 10ka Cisho magacaaban ee Xamse Cabdi Barre oo haddii uu codkooda uu helo soo magacaabayo Xukuumad sidaan oo kale u horgeyn doono isla Golahaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray fariin lagu wargeliyay in kulankooda maanta uu ku hortagayo Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud 15kii June 2022.

Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu waday in Golaha Shacabka la horgeeyo Arbacadii 22ka June 2022 balse waxaa dalka ka maqnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo 24kii June 2022 dib usoo laabtay iyo Guddoomiye Aadan Madoobe oo Duhurkii Arbacada yimid.

Ra’iisul Wasaaraha maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa la kulmay inta badan Xildhibaannada uu codka ka rabo isaga oo ka codsaday in kalsoonida ay siiyaan si uu usoo dhiso Xukuumad Dalka ka saarta xaalado adag uu wajahayo.

Xamsa Cabdi Barre, haddii uu helo codka kalsoonida waxa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21aad ee Jamhuuriyadda Federaalka waxaana horyaalla arrimo dhowr ah sida uu qudhiisaba sheegay markii uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15kii June 2022.

Ad
Previous articleGolaha Shacabka oo Maalinta Birita ah Codka u qaadaya Ra’isul Wasaaraha cusub
Next articleQaramada Midoobey oo ka digtay Dhibaatada abaarta iyo 7 Milyan in ka badan oo wajahaya ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here