Home Wararka caalamka Madaxweynaha Suuriya Asad oo Weerarka Mareykanka ku sheegay mid dhiirogalin laga helayo..

Madaxweynaha Suuriya Asad oo Weerarka Mareykanka ku sheegay mid dhiirogalin laga helayo..

0
SHARE

Madaxweynaha Suuriya Bishar Al-asad oo markaan dhinac loo saari layahay ayaa ka hadlay weerarka mareykanka iyo xulafadiisa ku qaadeen dalka Suuriya.

Bishar ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlay dhigiisa Iiran Hassan Rouhani wada hadal ku aadan xiisada dalkaasi ka taagan.

Waxa uu sheegay in Suuriya ay dhiiro galin ka qaadeyso weerarka lagu qaaday isla markana dib u xalineyso weerarka ay kula jirto kooxaha Argagixisada ee dalkaasi ku sugan.

Asad ayaa intaasi ku daray in weerarka ay dowladiisa wado uu soconayo ilaa goob kasta laga saaro kooxaha argigixisada.

Hassan Rouhani ayaa dhankiisa u sheegay Asad in iiran dhinac taagantahay Suuriya isla markana werarka uu yahay mid gardaro ah isla markana awooda suuriya aysan hoos u dhicidoonin.

Mareykanka iyo Xulafadiisa ayaa doonayay in ay meesha ka saaraan Asad lakin waxa arintaasi hor taagan Ruushka iyo iiraan.

Mudug24 Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here