Home wararka Dalka Sawiro Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo Gurigiisa ku booqday Gudoomiye jawaari..

Sawiro Raisal Wasaare Xasan Kheyre oo Gurigiisa ku booqday Gudoomiye jawaari..

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre ayaa xalay Hoygiisa ku booqday Gudoomiyihii is cailay ee Baarlaamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ku eedeeyey in uu daba ka riixayey mooshinkii laga gudbiyey guddoomiye Jawaari.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegay Hoyga Jawaari ayaa u muuqatay mid uu ku macsalaameynayay maadaama uu xilka ka tagayo mudo 5 sano ah oo uu soo ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya,iyada oo laba mar la doortay.

Maanta ayaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ka hor jeediyo khudbad uu ku shaacin doono in uu xilka baneynayo iyo sababihii ka dambeysay in uu is casilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here