Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Maxay sababta ay isku Khilaafeen Axmed Fiqi iyo Axmed Qoor Qoor...

Waa Maxay sababta ay isku Khilaafeen Axmed Fiqi iyo Axmed Qoor Qoor ?

0

Iyadoo shalay uu is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin fiqi Ayaa waxaa Soo baxaya warar ku saabsan is casilaada Fiqi.

Xog ay heshay Warbaahinta Mudug24 ayaa Muujinaysa in Sababaha uu isku casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Ahmed Moalim Fiqi aysan wax xiriir ah la laheyn arinta Ahlusunna iyo Galmudug.

Iscasilaada Wasiir Fiqi ayaa xogtu sheegeysaa in ay ku qotonto khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Qoorqoor kaas oo salka ku haya Kursiga Xillibaan heer Federal ee Wasiir Fiqi ku fadhiyay 4 sanno.

Ahmed Macallin Fiqi ayaa mar kale doonayay in kursigaan dib ugu soo laabto una tartamo lkn Qoorqoor ayaa xogtu sheegeysaa in Kursigaas uu qorsheeyay in lasiiyo Madaxweynihii hore Galmudug Xaaf si loo maareeyo khilaafka ka dhashay Kursiga Aqalka Sare oo ay isku heystaan Cabdi Qaybdiid iyo Xaaf.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in Wasiir Fiqi uusan ku qancin qorshaha Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor uu kursigiisa gorgortan ku galiyay, kadibna uu qaatay go’aanka uu iskaga Casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ka dib is casilaadii Fiqi
Next articleCiidamo Gadoodsan oo xalay la wareegay Qeybo ka mid ah Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here