Home wararka Dalka Madaxa Xukuumada Galmudug oo Maanta Tababar u Furay Ku dhawaad 30 Weriye.

Madaxa Xukuumada Galmudug oo Maanta Tababar u Furay Ku dhawaad 30 Weriye.

0
SHARE

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dhuusamareeb 30 wariye oo ka kala yimid magaalooyinka Guraceel iyo Dhuusamareeb.

Tababarkan oo ay fulineyaan NUSOJ iyo VIKES oo gacan ka helaya Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa wariyayaal 30 ah waxa ay ku baran doonaan casharro la xiriira mabaadii’da aasaadsiga ee saxaafadda iyo anshaxa ayaa waxa uu qeyb ka yahay tababaro taxane ah oo ay NUSOJ ka waddo qeybaha dalka.

Todobaadkii hore ayaa tababar noocan ah waxa ay NUSOJ ku soo gabagabeysay Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Shiikh Maxamed Shaakir oo mar la kaftamayay wariyayaasha ayaa yiri sidii leydiin dhageysto xitaa looma dhageysta culumada diinta faafineysa ee wanaagga fareysa xumanaha reebeysa . Waxa uu Shiikhu tusaale u soo qaatay xilli uu sheegay in ay halgan ku jireen 2008 iyo 2009 kii in iyadoo howlo muhiim ah ay jiraan ama kulamo muhiim ah ay socdaan in dadka qaarkii ay dhihi jireen raadiyaha noo daara Macalimuu wuxuu sheegayo aan dhageysannee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here