Home wararka Dalka Dowlada Soomaaliya oo Si Rasmi ah ula Wareegtay Astaanta Internetka Soomaaliya (Sawiro)

Dowlada Soomaaliya oo Si Rasmi ah ula Wareegtay Astaanta Internetka Soomaaliya (Sawiro)

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy’ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurto geli lahayd wareejintan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here