Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hoggaamiyihii kooxda Macawiisleyda iyo saraakii kale oo ku Dhintay Dagaalkii Cuslaa oo...

Hoggaamiyihii kooxda Macawiisleyda iyo saraakii kale oo ku Dhintay Dagaalkii Cuslaa oo ka Dhacay Deegaanka Nuur Dugle

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaabkii weerarka qaaday oo beegsaday tuulada Huurweyne oo qiyaastii 25 kM kaliya u jirto deegaanka Nuur Dugle oo fariisin u ah ciidamada dowladda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay haatan kacsan tahay, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro lale intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dad dhintay waxaa kamid ah saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada huwanta, kuwaas ay kamid yihiin taliye Cabdullaahi Caraaye Cumar oo ta tirsan saraakiisha horkaceysay howlgalkan iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ahaa hogaamiyaha kooxda Macaawisleyda ee deegaanka Nuur Dugle, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka ah.

Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay Al-Shababaab, waxaana maalmo kahor booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada uu hadda ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Ad
Previous articleSacdiya Yaasiin oo shaacisay inay ‘halis ku jirto’ nolosheeda kadib markii ay Ka Hadashay dhawaan Sharciga Jinsiga
Next articleHoos u dhac ku Yimid Heerka Dhalmada Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here