Home galmudug Akhriso Wajiga labaad ee Hawlgalka Mareykanka Gobolka Mudug iyo Diyaarada Gaalkacyo lagu...

Akhriso Wajiga labaad ee Hawlgalka Mareykanka Gobolka Mudug iyo Diyaarada Gaalkacyo lagu arkay..

0
SHARE

Halkaan waa Garoonka diyaaradaha ee ay ka howlgalaan Ciidamo Somali ah sida PSF waxaana Maalgaliya maraykanka Waxa uu ku yaalaa Garoonkaan Gaalkacyo waxaana 2dii Habeen ee lasoo dhaafay Kadagay Diyaarado waaweyn oo nuuca Milatariga ah Weerar lagu qaado meelaha Gobolada dhaxe ay kaga suganyihiin kooxda al shabaab ..

waxaad moodaa in qorshuhu uu intaas ka miisaan weynyahay Dhowr Todobaad kahor Ciidamada Galmdug iyo PSF.ta Puntland oo ay lasocdeen Saraakiil Maraykan ah ayaa waxa ay sameeyeen iskudey weerar oo ka dhan ah Dagmada Xarardheere inkasta oo uu dhici soobay hadana .

wararku waxa ay sheegayaan in qorshahaasi ay Wehliyeen Arimo kale waxaana ila wareedyo Madaxbanaan ay sheegeen in uu jiray sahan Kusaabsan Ceel Shidaal oo kuyaal meel kamid ah Goobaha ay tageen Ciidamada

Wasaarada Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Qorshahaan aysan waxba kala socon waxaana wasiirka amniga Galmudug  Taar luleed uu sheegay in Maraykanku uu Wato qorshe aysan ilaa iyo hada Garanwaayeen Taar.Dhuleed waxa uu sheegay in arintaasi aykeentay dhibaato deegaanka saameyn kuyeelatay Waxaana uu eedeyn ujeediyay Saraakiil katirsan Galmudug

Dadka Gaalkacyo  ayaa Cabsi Wayn ka Qaba diyaaradaha Guuxa Diyradaha oo habeenkii oo guud ahaan Gaalkacyo xiliyada Saqdhexe laga Maqlo taa oo keentay in dadka gobalka ay si wayn u hadal  hayaan diyaaradaha guuxooda oo dadka inta bada ay u arkaan in diyarado dagaal ay habeen walba ka soo dagaan garoonka waqooyiga Gaalkacyo oo dowlada mareykanka ay ku leedahahay Saldhig Malatari

Dhaq Dhaqaqaasi markii uu dib u Bilowday ayaa Kooxda Shabaab ay Dhankooda bilaabeen Dhaq Dhaqaaq Malatari markii ay ka War Heleen in  Mareykanka uu Xulufo ka dhiganayo Ciidamada Huwanta ay ku soo socdaan degano y dhaw dhaw kuwa ay shabaab maamulaan

Arinta dad badan ay is waydiinayan ayaa ah  kadib markii saraaakiil  iyo ciidamada mareynkan ka amar qadanaya ay dib ugu soo laabteen gaalkacyo taasi oo shaki galisay dadka in hawusha loo socday ay ka badnayd dagaal lagu qadayo kooxdaasi shabaab

Sikastaba Dadka Gaalkacyo ayaa wa wal iiyo murugo Badan  ka qaba diyaaradahaasi saqdhexe habeenkii ka soo daga Garoonka Magalada Gaalkacyo

W/Q Axmed Khaliif Geedi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here