Home wararka Dalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Sheegay In Ay Burburiyeen Gaari Siday Walxaha...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Sheegay In Ay Burburiyeen Gaari Siday Walxaha Qarxa Oo Kusoo Wajahnaa Muqdisho

0
SHARE

Shalay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Cadaan ah waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegano ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay kula wareegeen deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo deegaano kale oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku burburiyeen laba Gaari oo qaraxyo ku rarnaa kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo wajahnayeen Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in y Gacanta ku dhigeen hubka noocyadiisa kala duwan sida Qoryaha Basuukaha iyo Agabyo kale loo adeegsado qarxyada,kuwaas oo qaarkood la gubay si aysan dadka u waxyeeleyn sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen Baraha ay Internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegeen in ay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here