Home puntland Sawirro Hordhac Ah Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Hobyo

Sawirro Hordhac Ah Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Hobyo

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo  iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo ay ka mid yihiin Madaxda Galmudug ayaa tagay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Shacab badan oo kala yimid deegaanada Hoos Yimaada Hobyo ayaa ku sugan garoonka kuwsi maalmo u joogay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

 Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray maalin kahor Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynaayo.

Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa lagu waddaa in uu kusoo gabagabeeyo Safarkii maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay degaanada Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirro Hordhac Ah Oo Ay Shabakadda Mudug24 Idiin Qaaday

Kala Soco Mudug24 Sawirro Iyo Muuqaalo Dhameystiran Oo Ku Saabsan Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Ee Hobyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here