Home wararka Dalka Deg Deg Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Badda oo Taliyihiisa ku dilay...

Deg Deg Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Badda oo Taliyihiisa ku dilay Muqdisho.

1
SHARE

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ku dhexdilay Taliyhiisa oo lagu magacaabayay Saciid Mariino.

Taliyaha la dilay ayaa sarkaalka dilay waxaa uu ahaa ku xigeenkiisa waxaana uu dilka ka dhacay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha la dilay iyo sarkaalka ayaa waxaa ay ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Dekadda Muqdisho,iyada oo murankooda uu sababay in ku xigeenka Taliyaha uu rasaas la dhoco taliyaha sidaasna ku dhinto.

Ciidanka amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray taliye ku xigeenka dilka u geystay Taliyihiisa,waxaana uu hadda ku jiraa Xabsiga Muqdisho.

Ma jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha dowlada falkaas.

Loading...

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here