Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Soo Bandhigay Cududa Ciidan ee Puntland Xili Garowe Xiisad Ka...

Deni oo Soo Bandhigay Cududa Ciidan ee Puntland Xili Garowe Xiisad Ka Taagantahay(Sawiro)

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saakay ka qayb-qaatay dabaal-dega xuska sannad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay aasaaskii Puntland 1-dii August 1998.

Madaxweyne Saciid Deni oo ay wehliyeen masuuliyiinta sar sare ee maamulkaasi  ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada, waxa ayna ciidamada halkaasi kusoo bandhigeen dhoolo-tus.

Ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa fagaaraha uu ka socday dabaal-dega kusoo bandhigay cududooda, waxa ayna ciidamada oo hub kala duwan watay halkaasi ku mareen socod dheer.

Maamulka Puntland ayaa la aasaasay sannadkii 1998-dii kowdii Agoosto, waxaana magaalada Garawe iyo magaalooyin kalaba ka socda dabaal-dega sannadka guurada 25-aad ee aasaaska mamulka Puntland oo hadda ah hooyada federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleWaa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka iyo haraatiga?
Next articleMaamulka gobolka Banaadir oo markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here