Home galmudug Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Magaalada Gaalkacyo isagoo ku tilmaamay,,

Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Magaalada Gaalkacyo isagoo ku tilmaamay,,

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kadib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho,waxana wehlinaya Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xubnaha Golaha Shacbka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo boqolaal Shacab ah kula hadlayay Gaalkacyo ayaa marka hore Shacabka ugu mahad celiyay qaabka wanaagsan ay ugu soo dhaweyeen Gaalkacyo,

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gaalkacyo ay noqon doonto meesha ugu horeysa ee laga bilaabayo dib u heshiisiinta isla markaana ay noqon doonto Hoygii Dib u heshiisiinta.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Farmaajo,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here