Home wararka Dalka Dhageyso Cumar Cabdi Rashiid oo sheegay in Siyaasada Dalka ku soo biirtay...

Dhageyso Cumar Cabdi Rashiid oo sheegay in Siyaasada Dalka ku soo biirtay Gaaleysiin..

1
SHARE

Raisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaliya in ay caburin ku hayso siyaasiyiinta iyo dadka ka arakti duwan.

Waxa Uu sheegay in madaxda dowladda Soomaliya isku dayayaan in ay caburiyaan siyaasiyiinta dalka ku sugan, kuwaasi oo inta badan ka hadla qaladaadka dowladda.

“Siyaasaddii dalka waxaa kusoo korodhay in la is gaalaysiiyo sida Al-Shabaab lagu yaqaano – qofkii dawladda hadda jirta ka aragti duwan waxaa loo adeegsanayaa in uu yahay qaran dumis,anaga hadaan siyaasiyiin nahay waxaan ka hadlaynaa wixii jira, laakin ma haboona in dowladda ay dadka gaalaysiiyo sida lagu yaqaano Al-shabaab”, ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Cumar.

Loading...

1 COMMENT

  1. Cumar waxaad u shaqaysaa dowlad shishee adoo ah xildhimaan somaaliyeed soona noqday rail wasaarihii somaaliya marka waxaad ka gashay Dalka dambi weyn adigoo hadda ka hor gatay baddii soomaaliyeed marka waan ognahay inaad tahay calool u shaqayste waxaana mudantahay in la guugu qaado qaran dumis ama(treason).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here