Home Wararka Maanta Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray maareeyaha hay’adda duulista oo dacwad loo...

Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray maareeyaha hay’adda duulista oo dacwad loo haysto

0

Xafiiska ayaa sheegay in maareeyaha wax laga waydiin doono waxyaabo ku saabsan heay’adda oo baaris lagu wado sida lagu sheegay warqadda

Halkaan hoose ka akhriso warqadda loogu yeeray

Ku: Maareeyaha hey’adda duulista rayidka

Ujeeddo: U yeeris

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qebtiisa ka hortagga dambiyada lidka ku ah badaha, tahriibinta iyo socdaalka sharci darada ah isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qod. 8-aad xeer nidaamka garsoorka (Xeer Lr. 3) ee soo baxay 12 June, 1962 iyo Qod. 12aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed (Xeer Lr. 1) ee soo baxay 1 June 1968.

Xafiisku isagoo ka duulayo waajibaadka sare ku xusan iyo gal-dacwadeed lambarkiisu yahay GL.2682 ee ka furan xafiiska xeer ilaalinta qaranka kuna taariikheysan 04/06/2022.

Sidaas darteed, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxa uu u yeeraya maareeyaha guud ee hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed (HDRS) Mudane Axmed Macalin Xasan oo ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in uu xafiiska horyimaado maalinta Axadda oo ay taariikhdu tahay 21 August, 2022, saacaddu tahay 10:00Am, si wax looga waydiiyo arrimo la xiriira shaqada hey’adda oo uu xafiiska baaristeeda wado.

 

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalka aaga Hotel Xayaat ee Saakay?
Next articleAl Shabaab oo Shaacisay sabab yaab leh oo ay u weerareen Hotelka Xayaat

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here