Home Wararka caalamka War Deg Deg Ah Madaxweynaha Turkiga oo iskugu yeeray Wadamada is

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Turkiga oo iskugu yeeray Wadamada is

1
SHARE

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadaa Israel,wuxuuna Erdogan sheegay in Go’aankaan uu gobolka Gelinayo dagaal ahli ah.

” Qaadashada talaabadan oo kale waxay gaar u tahay Gobolkaan oo dagaal lala damacsan yahay,Maxaad Jeclaan lahayd inaad sameyso talaabadan oo kale Mr Trump? Talaabo noocee ah ayaa qaadeysaa?”,madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sidaasi ka sheegay Garoonka diyaaradaha Esenboga ee caasimada Ankara waxyar ka hor intuusan u duulin Dalka Gariiga.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ah ayaa si isku mid ah uga carooday go’aanka uu Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda rasmiga ee Israel.

” Waxaa la gaaray xilligii si rasmi ah Jeruslem ugu aqoonsan lahaa caasimadda Israel”, ayuu ku yiri Mr Trump hadal uu ka sheegay magaalada Washinton ee caasimadda Mareynkanaka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Hogaamiyaasha Siyaasadda ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Nabada,wuxuuna uga digay iney Arintaan bariga dhexe ku lug yeeshaan.

Dhan kale,madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isugu yeeray Hogaamiyaasha Dowladaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ah si ay uga arinsadaan go’aanka madaxweynaha Mareynkanka uu gaaray,waxaana shirka uu ka dhacayaa magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen,oo shir jiraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in shir madaxeedka looga hadli doono Qorshaha uu Mareynkanka ka damacsan yahay in Qudus uu u aqoonsado Caasimadda rasmiga ah ee Israel.

1 COMMENT

  1. AQOONIGA UU SHEEGAAYO (TRUMP) WAA MID UU INDHAHA SAXAAFADA ISGA MASHQUULINAAYO??

    KADIB MARKII FADEEXOOYIN WAAWEYN AY KUSOOBEXEEN? DOORASHADIISII IYO KULUGLAHAANSHIHII (RUUSHKA)

    LAAKIINSE HATEER AYUU DHIBAATO KORORSADAY?
    OO UU DAANDAANSI KULAKACAY? (2BILYAN) OO MUSLIMIINTA CAALAMKA AH??

    TAASINA WAA QASAARO U SOO HOYATAY ISAGGA IYO *NETINYAAHUU??

    BALMUXUU SAMAYNAYAA HADII DALALKA MUSLIMIINTA OO DHAMI AY (XIRIIRKA U GOOYAAN) NETENYAAHUU IYO TRUMP) QUDHOODA??

    XAGEEBAY KUNOOLAANKARAAN?? HADABA ISAGAA ISQASAARIYAY EE (MAGAALADAAS BARAKAYSAN) AQOONSIGIISU?? WAXBA UMA DHIMIKARO??

    SHARICIYAD UU KU AQOONSADANA MABA LAHAN??
    MA ISAGAALEH (QUDIS) MARKUU LEEYAHAY YUHUUD BAAN SIIAYAY?? WAXA UU QOFKU LEEYAHAY AYUU BIXIYAA?? WAA UUN DHALANTEED IYO LAAB LAKAC AAN WAX CILMI AH KUSALAYSNEYN?? WAANA TACABQASAAR?? TRUMP* UU KURIYOODAY??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here