Home wararka Dalka Sawiro Laga soo qaaday Sarkaal lagu dilay Qarax ka dhacay Gaalkacyo..

Sawiro Laga soo qaaday Sarkaal lagu dilay Qarax ka dhacay Gaalkacyo..

0
SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax markii hore lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland balse markii dambe la sheegay in uu dhaawicii soo gaaray uu u geeriyooday.

Sarkaalkaas lagu dilay qaraxaas ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe ), dhaawac ahaana  loogu qaaday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sameeyay baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow aysan ku guuleysan in ay soo qabtaan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha.

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here