Home Wararka Somaliya Puntland Xiliga lagu dhawaaqayo natiijada doorashada golayaasha deegaanka Puntland iyo Xisbiga Hogaanka...

Xiliga lagu dhawaaqayo natiijada doorashada golayaasha deegaanka Puntland iyo Xisbiga Hogaanka Haaya

0

Maanta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada horudhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka ee shalay ka qabsoontay sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Sida uu weriye Axmed Cawil oo ku sugan Garoowe ka soo xigtay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, waxa lagu wadaa in la shaaciyo sida todobo urur siyaasdeed oo ku tartamayay xildhibaannada golayaasha deegaanka u kala heleen codadka sodonka degmo.

Waxa jira sedex degmo oo doorashada golayaasha deegaanka la joojiyay kuwaas oo kala ah Garoowe, Dangoronyo iyo Godobjiiraan. Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ayaa ku hawlan sidii xal loogu heli lahaa sababihii markii hore keenay in doorashadu ka qabsoomi wayso degmooyinkaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo xalay goor dambe ka hadlayay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in doorashadu si wanaagsan uga dhacday Puntland, waxa uu intaa ku daray in degmooyinka aan wali laga qaban doorashada ay u baaqdeen arimo farsamo, xalna loo heli doono, lana qaban doono mar dhaw.

Guud ahaan dadka Puntland waxay sugayaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ururrada siyaasadda ee shalay qabsoomay. Sedexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata ayaa noqon doona kuwa rasmiga ah ee Puntland laga aqoonsan yahay.

Ad
Previous articleQof rakaab ah ayaa furay albaabka diyaarad hawada ku jirta, Maxaa dhacay ka dib?
Next articleWAR DEG DEG AH: DF oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan, lana burburiyay saanad ciidan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here