Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka...

Muuse Biixi Cabdi oo maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, wuxuuna amray inuu joojiyo dhismo uu ka waday magaaladaas.

Biixi ayaa hakiyay dhismaha ay dowladda hoose u qorsheysneyso in ay ka dhisto suuqa Xisbiga, kaas oo uu ka dhashay muran xoogan.

Dhismaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in halkaas oo ay hadda dagan yihiin dad shacab ah laga dhiso xarunta degmada 26 June.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan, waxaana khilaaf uu soo kala dhex-galay Maayar Mooge iyo xildhibaano uu kamid yahay Barkhad Baatuun oo ka horimid dhismahaaasi iyo in la barakiciyo dad danyar ah oo haatan ku ganacsada suuqa laga rabo in la dhiso.

Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in halkaasi laga dhiso xarunta degmada 26 June, isaga oo amar madaxweyne ku hakiyay qorshaha dowladda Hoose.

Go’aanka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Axmed Mooge uu ka maqan yahay caasimada Somaliland, lamana oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono.

Dhulka lagu murunsan yahay ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.

Ad
Previous articleXildhibaan Ka Tirsanaa Koofur Galbeed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Laga Saaray Deegaanadii ay Shalay Qabsadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here