Home Wararka Maanta Diyaaradihii Kasoo Dagi lahaa Garoonka Muqdisho Talaada Iyo Arbacada oo La Joojiyay...

Diyaaradihii Kasoo Dagi lahaa Garoonka Muqdisho Talaada Iyo Arbacada oo La Joojiyay iyo Dowlada oo ka Hadashay

0

Dowladda Soomaaliya amar ku bixisay in la joojiyo diyaaradaha waddanka imaanaya ama ka baxaya, maalmaha Salaasada (Talaado) iyo Arbacada.

Labada maalin ee diyaaradaha la joojiyey Muqdisho waxaa tagaya Wufuud dowladda Soomaaliya kala hadlaya sidii Ciidanka Amisom-Atmis dalka looga saari lahaa, maadaama waqtigoodu dhammaaday.

Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidanka ee dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa imaanaya Muqdisho, iyadoo wafdigii u horreeyay ee dalka soo gaaray ay noqdeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay Muqdisho yimaadaan Madaxweynayaasha dalalka deriska ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka dhici doona shir madaxeed amniga, u diyaar garowga qorshaha ATMIS dalka looga saarayo marka waajibaadkooda dhamaado dhammaadka sanadka 2024 iyo taageerida dagaalka dowladdu ku qaaday Al-Shabaab.

Arrimaha cajiibka ah ee u baahan in dib loo milicsado ayaa ah in markii uu dhacay qaraxii 14 October sanadkii 2017 in Madaxweynihii hore Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu safar ku tagay dalalka safka hore ee ciidamada ka jooga si uu taageero uga helo in dagaal lagu qaado, maantana isla dalalkaas ciidanka ka jooga Soomaaliya ayaa Muqdisho u imaanaya inay taageeraan howlgalka dowladda qaaday ee dagaalka Shabaab ee dhulka ballaaran lagu xureeyay iyo arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah sidii ammaanka xuduudaha dalalkooda loo adkeyn lahaa.

Ad
Previous articleXaaska Hogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo Xukun adag Maantay lagu Riday
Next articleAlshabaab oo Shaacisay Qabiilka uu kasoo Jeedo ninkii isku Qarxiyay Xarunta Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here