Home puntland Deg Deg Labo Qof oo mid injineer yahay oo xalay ku dhimatay...

Deg Deg Labo Qof oo mid injineer yahay oo xalay ku dhimatay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada..

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafada Garsoor ayaa waxa ay sheegayaan in fiidnimadii xalay halkaasi ay ku geeryoodeen laba qof oo shacab ah, kadib markii ay la duntay Suuli.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin Injineer ah oo qiimeyn ku sameynayay goob dhismo lagu bilaabi rabay ay la duntay Suuli, kadib dadka qaar oo halkaasi ku sugnaa ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan Injineerka, oo xitaa qaarkood iyaguna ay ku dhaceen godka.

Inta la xaqiijiyay Injineerkii iyo nin kale ayaa ku geeryootay godka Suuliga ee la dumay, halka sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay ilaa Afar qof, kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay, si halkaasi loogu dabiibo.

Wariye gaaray goobta ayaa soo sheegaya in Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin ka tirsan degmada ay soo gaareen goobta ay dhacdadan ka dhacday, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.

mudug24 Gaalkacyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here