Home Wararka caalamka QM Oo Dawlada Dalka Myanmar Uga Digtay Xasuuqa Ay Ku Hayso Muslimiinta...

QM Oo Dawlada Dalka Myanmar Uga Digtay Xasuuqa Ay Ku Hayso Muslimiinta Rohingya

1
SHARE

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.

Isaga oo Arbacadii wariyaasha kula hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulki ay daganaayeen. Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada miltari ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya.

Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar.

Loading...

1 COMMENT

  1. WADH-WADH QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN.
    WAXAAN WAAYO ARAG KU AHAYBA WAXAA JIRA QAABKA AY U SHAQAYSO WAXA LOOGU YEERO UNITED NATION OO AAN U AQAAN MAQAAYAD RAG LEEYAHAY,WAANA MEESHA LAGA BURBURIYEY SOMALIA,LIBIA,SURIA,IRAQ,SUDAN,YEMEN,WAXAN KALOO OGAYN TI BOOSNIA,.(UN) RAG BAY U ADEEGTAA RAGAASNA WAXAA HORBOODAYA USA,& UK,MARAYKANA & UK WAA KUWA BABIYEY EE DABKA KA SHIDAY DUNIDA MUSLIMKA.
    (ISLAMO PHOPIA=THAT IS PROPANAGANDA OVER ISLAM COUNTERY.)DIB U RAACA HADALADII D.TRUMP & DEVID CAMAROON,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here