Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidanka Ahlu-suna oo Dib ula Wareegay Deegaanka Guriceel ee maanta laga Saaray

Ciidanka Ahlu-suna oo Dib ula Wareegay Deegaanka Guriceel ee maanta laga Saaray

0

Ciidanka Ahlu-Sunna ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku heynta goobihii ay horey ugu sugnaayeen ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal rogaal celis ah ay dib ugu soo qaadeen galabta goobihii ugu muhiimsanaa ee maanta dagaalka lagaga saaray.

Dagaalka galabta oo soo gaadhay illaa caawa ayaa sababay khasaare kala duwan, labada dhinacba dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa ka soo gaadhay dagaalka.

Saraakiisha ilaa hadda la xaqiijiyey geeridooda waxaa ka mid ah Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, sidoo kale waxaa la soo werinayaa geerida saraakiil kale oo kala hoggaaminayey ciidamada labada dhinac, in kastoo illaa hadda aan la heyn tiro rasmi ah.

Ahlu-Sunna iney gacanta ku dhigtay hub, gawaari dagaal iyo waliba rasaas farabadan iyagoo imika si weyn isu soo abaabulay.

Dhanka kale waxaa laga cabsi qabaa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka inuu sii xoogeesto.

Ad
Previous articleDagaalka Guriceel oo wali lagu kala Bixin iyo Xiisad wali Jirta
Next articleWararkii ugu dambeeyay Xaalada Gurceel ee Saaka Iyo Goobaha lakala Joogo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here