Home Wararka Somaliya Jubbaland Gargaarkii ugu Horeeyey oo Maantay Loo Diray Gobalka Gedo Xiki Xaalad Cakiran...

Gargaarkii ugu Horeeyey oo Maantay Loo Diray Gobalka Gedo Xiki Xaalad Cakiran Ka Taagantahay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maanta gobolka Gedo u direyso gargaarkii ugu horreeyay, xilli ay xaalad adag oo bini’aadanimo ka taagan tahay gobolkaasi.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah (NEOC), ee qaybta ka ah hay’adda SODMA Xasan Cabdulqaadir Ciise oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in maanta ay magaalada Doolow gaarsiin doonaan diyaaraddii ugu horreysay ee sidda raashin loogu tala-galay dadka ay fatahaaddu saamaysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gargaarkaas marka uu gaaro gobolka Gedo kadib doomo lagu daabuli raashinka, islamarkaana la geyn doono magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Doolow.

“Howsha si aad u wanaagsan ayay inoogu socotaa, waxaana gargaarka barbar socda badbaadinta dadka go’doonsan. Waxaa rabnaa in diyaarada Doolow markay raashinka geynaysa doomo looga sii qaado,” ayuu yiri agaasime Xasan Cabdulqaadir.

Wuxuu intaas kusii daray in sidoo kale qorshaha ugu jirto sidii ay deeqaha la gaarsiinayo dadkaas kor looga soo daadiyo dadka halkaasi ku dhibaataysan, maadaama qaarkood ay go’doon ku jiraan.

“Waxaa ka fikiraynaynaa anaga oo kaashaneyna hay’adaha kale ee caalamiga ah in kor looga soo daadiyo raashinka inta ay awoodayada gaarsiisan tahay Insha Allah,” ayuu hadalkiisi sii raaciyay agaasimaha xarunta qaran ee gurmadka deg-degga ah (NEOC).

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in 720,000 (todoba boqol iyo labaatan kun) oo qof oo ku kala nool maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ay saameeysay fatahaaddaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in daadka roobabka iyo fatahaadaha ku barakaceen dad gaaraya 300,000 qof, halka dadka ku geeriyoodayna ay gaarayaan 21 qof.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in dadka Soomaaliyeed ay qaataan tallooyinka iyo tilmaamaha hay’adda SODMA,” ayuu yiri agaasimaha oo sheegay in dadka haatan ku waxyeeloobay ay u badan yihiin dadkii ka dhega adaygay farriimihii hay’adda ee waxyeelada El-Niño.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni iyo kooxdiisa oo Wacad ku Maray inay Qaban Doonaan Doorasho Qof iyo Cod ah
Next articleDal Afrika ah oo dhamaan diblumaasiyiintiisa kala soo baxaya Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here