Home Wararka Maanta Duq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka...

Duq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga

0

Duqa magaalada Nurdağı, Ökkej Kavak, ayaa lasoo xiray ka dib baaritaan la sameeyay oo ku saabsan dhismeyaashii ku burburay dhul gariirkii Turkiga ku dhuftay ee gobolka Gaziantep.

Gobolka oo ay ku dhufteen dhul gariiryadii ugu xooganaa ayaa waxaa ku burburay ku dhawaad 2,000 dhisme. Boqolaal dad ah ayaa ku dhintey degmada Nurdagi ee gobolkan.

Waxaa la soo waramayaa in 22 loo soo qabtay baaritaanka dambiyada dhulgariirka ee ka socda gobolka oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Demirören ayaa warinaysa in 80 qof oo kale loo jaray warqad lagusoo xirayo.

Waxaa la warinaya in Yunus Kaya, oo lagu qabtay Mersin, uu mashaariic si wada jir ah ula fuliyey shirkad dhismeyaasha oo uu leeyahay walaalka duqa magaalada Nurdagi.

Sida laga soo xigtay bayaankii ugu dambeeyay ee uu sameeyay wasiirka caddaaladda Bekir Bozdağ shalay Sabtidii, dacwadaha garsoorka la hor keenay ayaa gaaraya illaa 612 tuhmane, oo 184 ka mid ah xabsi loo jaray.

Dadka lasoo qabtay 79 ka mid ah waa qandaraasleyaal 74 na waa maamuleyal dhisme, 13 milkiile iyo 18 ah kuwa wax ka badalay dhismeyaasha.

Dadkan ayaa loo haystaa inay ku lug leeyihiin tayada guryiihii dumay oo baaritaan lagu ogaaday inay ka hooseeyeen heerka loogu tala galay inay u adkeystaan dhul gariirrada.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo Ku Baaqay in Ciidamada Soomaaliland laga Saaro Laasacaanood
Next articleAlshabaab oo Dilay Mid ka Mid ah Ciyaal Weerada Xili ay Dhawaan Shaaciyeen inay Layn Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here