Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo isaga oo xiran Darees Milatari booqday deegaannadii ugu Danbeeyey...

Axmed Madoobe oo isaga oo xiran Darees Milatari booqday deegaannadii ugu Danbeeyey ee laga saaray Al Shabaab (Sawirro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al Shabaab oo kuyaalla gobolka Jubada Hoose.

Deegaannada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaannada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.

Ad
Previous articleAlshabaab oo laga Saaray Deegaano Hor leh oo Ka Tirsan Galmudug(Sawiro)
Next articleAntonio Guterrs oo Maantay Kusoo Wahahan Muqdisho iyo Wadooyinka Muqdisho oo La Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here