Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Hor leh oo kasoo Goostay Soomaalind oo soo...

Wararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Hor leh oo kasoo Goostay Soomaalind oo soo Gaaray SSC

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh iyo saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland ay ka goosteen maamulkasi, kuwaas oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC-Khaatumo.

Ciidamadan iyo saraakiishooda ayaa Hoostagayay ciidanka uu maamulo Mahad Cambaashe oo ku sugan afaafka hore ee jiida dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhinaca degaannada hawdka ee gobolka Sool, halkaas oo ay difaac ka galeen, maadaama ay isaga baxeen Somaliland.

Sida ay ogaatay Mudug24, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa tobaneeyo askari iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Laascaanood, oo hadda laga dareemayo qaban qaabo ku aadn soo dhaweyntooda.

Ad
Previous articleWaa tuma gabadha Soomaalida ah ee noqonaysa Muslimaddii ugu horreysay ee garsoore kubadda cagata ah ka noqota UK?
Next articleHooyo Calsey Xamuud “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here